Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa lagu sheegay in xaalado cusub oo Covid-19 ah laga helay gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraalka, ayaa u dhignaa sida tan:

”Wasiir Fawziya Abikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 49 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 4 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 26 xaaladood, Maamulka Koonfur Galbeed 9 xaaladood, Mamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland oo 6 xaaladood ah.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,219 xaaladood iyadoo ay bogsooday 4 bukaan. Majirin wax dhimasho ah 48dii saa ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa la wadagtay fariimo waciyigelineed dhamaan bulshada gaar ahaan dhalinyarada maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa, in laga rabo inay muujiyaan taxadar aad u farabadan ayna si ficil ah u dhaqangeliyaan siyaabaha looga hortago caabuqa”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga