WHO, hay’adda caafimaadka dunida, waxay ka digtay in xanuunka Coronavirus aanu dhammaan.

Madaxa xaaladaha degdega ah ee WHO ayaa sheegay in ay adagtahay saadaalinta wakhtiga uu dammaan karo xanuunku isagoo ka digay in aanu dhammaanba. Dr. Mike Ryan ayaa sheegay in xataa hadii la helo tallaalka caabuqa Covid-19, ay adkaan doonto xakamanyta fiditaanka xanuunku. Wuxuu tibaaxay in ay u baahantahay dedaal adag.

Illaa boqol tallaal ayaa hadda la wadaa oo lagu rabo in dawo loogu helo Covid-19, balse taas micnaheedu aanay ahayn in xanuunku tagayo maadaama xanuunada qaar la helay tallaalkoodu ay illaa hadda dunida ka jiraan.

Caabuqa Covid-19 ayaa illaa hadda in ka badan 300,000 oo qof ku dilay guud ahaan caalamka, halka 4.3 million oo qofna uu ku dhacay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga