Dawladda dalka Turkiga ayaa si wayn ugu eedaysay Imaaraadka Carabta, inay qas iyo rabshado ka waddo bariga dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa eedeeyay Imaaraadka, mar wax laga waydiiyay doorka Turkiga ee dagaalka Liibiya.

Turkiga ayaa u diray Liibiya shaqaale Militari iyo dagaalyahanno taageera dawladda taagta daran ee uu caalamku aqoonsan yahay, iyadoo Imaaraadkuna uu gacan saar la leeyahay Jabhaddaha kasoo horjeeda dawaladdaasi.

Turkigu wuxuu ku eedeeyay Imaaraadka Carabta, khalkhalgelinta nabadgeliyada bariga dhexe iyo farogelinaha ay ka wadaan dalalka Liibiya iyo Yemen.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa si cad u sheegay in cidda qaska abuuraysaa ay tahay Abu Dabey, isagoo hadalkiisa raaciyay inay tahay quwad xasillooni darro ka abuurtay Yemen iyo Liibiya.

Wasiirka amuuraha debedda Turkigu waxaa uu sheegay inay Imaaraadku taageeraan kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya, halkaasi oo ay Ankara ku leedahay saldhig Militari oo ay ku tababaraan ciidamada Soomalaiya iyo safaaradda ugu wayn adduunyada ee uu Turkigu ku leeyahay daafaha adduunka.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, ayaa imanaya xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda Ankara eedaysay dalal uu xitaa kujiro Faransiisku.

Xiisadda u dhexaysa labada dal ayaa ahayd mid cirka isku sii shareeraysay sannadihii ugu dambeeyay, iyadoo hadalka wasiirka arrimaha dibadda Turkiguna gaas kusii shubaya xiisaddii u dhexaysay labada dal, Imaraadka carabta ayaan weli ka hadal eedaynta Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga