Nadia Maxamed oo 23 sanno jirta ayaa ku guulaysatay mid ka mid ah kuraasta magaalada Saint Louis ee gobolka Minesota, waxay noqonaysaa qofkii ugu horeeyay ee muslim ah, kanasoo jeeda Afrika ee ka mid noqda golaha deegaanka magaaladan oo dad badan oo Soomaali ah ay ku dhaqanyihiin.

Safiya Khalid waxay iyaduna ka adkaatay 77-jirka Walter Hill oo aflaanta ka shaqeeya isla markaana kula loolamayay kursigan. Waxay jirtaa 24 sanno. Guusheeda ayaa ahayd mid lama filaan ah, iyadoo noqonaysa qofkii ugu da’da yaraa ee ka mid noqda golaha deegaanka magaalada Lewiston ee gobolka Maine oo ku yaala waqooyi bari dalka Maraykanka.

Soomaaliada Maraykanka ayaa guulo hor ka gaadhaya siyaasadda waddanka, oo badi ay ku cusubyihiin, balse dedaalada ay samaynayaan ay muujinayaan guulo la taaban karo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga