Munaasibadda oo Si Toosa uga Socota Magaaladda Hargaysa Waxaa Kasoo Qayb Galay Madaxwayne kuxigeenka somaliland Cabdiraxmaan ismaciil Saylici, Wasiirka Ticknoolajiyadda Dr Cabdiwali iyo Wasiiro Kale oo ka Tirsan Xukuumadda.

Wasiirka Technologyadda Somaliland Dr Cabdiwali oo ugu Horayn Munaasibadda Daahfuray ayaa Kaga Waramay Muhiimadda uu Shirkani Somaliland u Leeyahay Madaama Buu yidhi ay Dalalka Maanta Dunida Horumaray ay isticmalaan Technologyadda ugu Danbaysay.

Wasiirku Waxa uu sheegay in Dhalinyaradda Somaliland ay u Furayaan Fursado Shaqo oo iyaga oo Dalkooda Jooga ay Technologyadda Kaga Shaqaysan Lahaayeen Shirkadaha Dalalka Dunida Ku yaala.

Shirwaynahan Technologyadda oo Markii ugu Horaysay Lagu Qabtay Somaliland ayaa Sidoo Kale Waxaa ka qayb Galay Shirkadaha ku yaala Somaliland ee ka Ganacsada Technologyadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga