Khilaaf Xoogan ayaa Ka Dhex Jira Madaxda ugu Saraysa Dalka Kenya Kaas oo Salka ku Haya Kiiska Badda ee Ka Dhexeeya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Sida uu Daabacay Wegayska The Star ee Kasoo Baxa Dalka Kenya Waxa uu Khilaafku ka Dhex taagan Yahay Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wasiirkiisa Arimaha bidadda ,Monica Juma.

Wegayska The Star oo Xiganaya Masuul ka Tirsan Madaxtooyadda Dalka Kenya ayaa sheegay in Monica Lagu Heysto sida ay u Wajahday aririnta Kiiska badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Sida ay ula Dhaqantay Dawladda Itoobiya.

Warbixintan waxa kale oo Lahu sheegay in wasiirada lagu eedeeyey in ay magacawday diblomaasiyiin aan xirfad laheyn Ariinta Kiiska Badda.

Eedeynta ugu Culus ee Wasiiradda Arimaha Dibadda Kenya Lagu Edeeyay ayaa ah in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ay ula dhaqantay Soomaaliya, islamarkaana ay gaadhay go’aamo culus, iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada Kenya.

Dhinaca kale wargeyska ayaa qoray in sidoo kale lagu dhagan yahay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, Macharia Kamau.

Wergayska The Star wuxuu sheegay in aysan arrintani farxad gelin Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labadan qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga