Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa sheegay in magaalada Saylac ee ku taala xeebaha galbeedka Somaliland ay tahay degaan ka mid ah dhulka Somaliland.

Wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo maanta qoraal kooban ku faafiyey Barta X, horena loo odhan jiray Twitterka, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland ay tahay cidda qudha ee go’aan ka gaadhi karta in cid ama dal kale lagula shuraakoobo dekedda Saylac ee galbeedka Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee PP Party Aadan Faarax iyo isagoo ah Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ay ka soo wada jeedaan bulshada degaan ahaan ku fidsan Saylac ee dalka Somaliland, Jabuuti iyo ilaa Itoobiya.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in sidoo kale dekedda Berbera ay tahay deked u adeegta dalka Itoobiya.

Hadalkan Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa ku soo beegmaya xili uu dhawaan Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed soo bandhigay damaca uu dalka Itoobiya ku doonayo inuu deked ka helo badda Cas, isagoo magacaabay dekedaha ay doonayaan oo ay ka mid tahay dekedda Saylac iyo dekedo kale oo ku yaala Jabuuti iyo Eritariya, iyadoo sidoo kale ay dawladda Eritariyana maanta si cad u sheegtay in aanay deked iyo wax bad ah u haynin dalka Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland si cad oo la mid ah mawqifka Eritariya uma soo bandhigin go’aanka ay Somaliland ka qaadanayso damaca dawladda Itoobiya, balse waxa uu wasiirku caddeeyey in Dawladda Somaliland tahay cidda qudha ee ay ka go’do inay masiirka dekedda Saylac iyo waxa laga yeelayaba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga