Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dawladda Maraykanka ku eedeeyey inay ku hawlan tahay sidii dhibaatooyin kala duwan looga abuuri lahaa Bariga Dhexe, kadib markii ay Markab dagaal u dirtay xeebaha u dhaw Falastiin iyo Israa’iil, iyadoo Xukuumadda Maraykanku sheegtay in Markabkaasi qayb ka yahay taageerada ay dawlad ahaan u fidiyaan Israa’iil oo dagaal xoogan kula jirta Ururka Xamaas ee fadhigiisu yahay marinka Qasa ee dalka Falastiin.

Madaxweyne Putin oo shalay khudbad ka jeediyey shir lagaga hadlayey arrimaha tamarta oo lagu qabtay magaalada Moscow, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan aaminsan yihiin in dhibaatooyinka Israa’iil iyo Falastiin lagu soo afjari karo xal waara oo la isla wada ogol yahay, la iskuna tanaasulayo.

 Hasayeeshee, waxa uu tilmaamay in Dawladda Maraykanku ay qayb ka tahay colaadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil, isla markaana ay qori dable la dhex wareegayso Gobolka Bariga dhexe, waxaanu Madaxweynaha Ruushku uu su’aal geliyey sababta keentay in xiligan xaasaasiga ah uu Maraykanku Markab dagaal u diray gobol dhibaatooyin iyo dagaalo adagi ka socdaan.

Waxa kaloo uu Madaxweynaha Ruushku sheegay in fashilka ku dhacay siyaasadaha Maraykanku ku waajahayo Bariga Dhexe ay qayb ka yihiin dagaalada khasaaraha bani’aadanimo gaysanaya ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, isagoo xusay in siyaasadaas Maraykanka ee Bariga Dhexe aanay wax tixgelin iyo ku-xisaabtan ah siinin dadka Falastiiniiyiinta iyo baahiyooda ay xaqa u leeyihiin.

Hadalkan ka soo baxay Madaxweynaha Ruushka ayaa ku soo beegmaya xili ay dawladda Maraykanku si xoogan u muujisay taageerada ay u hayso Israa’iil oo Marinka           Qasa ka gaysanaysa duqaymo dhibaatooyinka ugu badan ka soo gaadhaan dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ah, gaar ahaan dumarka iyo carruurta

Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa sababay khasaare kala duwan , iyadoo khasaaraha ugu culus oo soo gaadhay dhinaca Israa’iil ay ka dhinteen dad ka badan 1,400 oo qof, halka dhaawaca Israa’iiliyiintuna marayo in ka badan 2800 oo qof oo kale, iyadoo marba marka ka dambaysa ay sii kordhayso tirada dhimashada iyo dhaawaca Israa’iiliyiintu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga