Ururka Xamaas ee dagaalka xoogan kula jira ciidamada Israa’iil, isla markaana doonaya in Israa’iil laga xoreeyo dhulka Falastiin ayaa sheegay inay kalsooni weyn ku qabaan in dalka Ruushku uu door muhiim ah ka ciyaari karo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, loona joojin lahaa xasuuqa iyo go’doominta ay Ciidamada Yuhuuddu ku hayaan dadweynaha ku nool Marinka Qasa ee dalka Falastiin.

Madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Ururka Xamaas Cali Baraka oo waraysi siiyey wakaalada wararka Ruushka ee TASS ayaa waxa uu sheegay inay Urur ahaan si weyn ugu kalsoon yihiin dawladda Ruushka iyo Madaxweyne Vladimir Putin, sidaa darteedna ay soo dhawaynayaan dhexdhexaadin kasta oo Ruushku ku xalinayo colaadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Waxa kaloo uu Masuulkan sare ee ka tirsan Ururka Xamaas uu intaas ku daray inay Urur ahaan danaynayaan in la soo afjaro dhibaatooyinka iyo tacaddiyada dadka shacabka ka soo gaadhaya duqaymaha aan loo kala aabo yeelin ee ay wadaan Ciidamada Israa’iil, waxaannu tilmaamay in hoggaanka sare ee Ururka Xamaas ay si joogto ah u wada xidhiidhaan madaxda Ruushka, isagoo sidoo kale xusay inay diyaar u yihiin inay diblomaasiyiinta iyo madaxda Ruushka kula kulmaan mid ka mid ah dalalka Carabta.

Madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibadda Ururka Xamaas ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan dedaalada uu wado dalka Ruushku, waxaannu intaas raaciyey inay si dhaw ula socdaan hadalada iyo khudbadaha ay jeediyaan madaxda dalka Ruushka ee uu ugu sareeyo Madaxweyne Putin, waxaannu sheegay in hadalada Madaxda Ruushka ay ka muuqaan sida Ruushku u doonayo in la joojiyo gargadarada lagu hayo Falastiin, lana qaado xayiraadaha lagu soo rogay Marinka Qasa, lana helo marino laga gudbiyo gargaarka muhiimka ah ee ay u baahan yihiin Falastiiniyiintu.

Hadalkan ka soo baxay Ururka Xamaas ayaa ku soo beegmaya xili uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu hore u sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo dhexdhexaadin lahaa Israa’iil iyo Falastiin haddi ay arrintaas soo codsadaan labada dhinac ee dagaalku ka dhexeeyo.

Waxa kaloo ay arrintan ku soo beegmaysaa xili ay dawladda Ruushku Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay qaraar lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga