Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arinta muranka badani ka dhashay ee gudoomiyaha gobolka Awdal oo lagu eedeeyay in uu diinta Islaamka caayay.

Ku-xigeenka wasiirka arimaha gudaha, Naasir Caydiid, ayaa culimada magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ka dalbaday in ay keenaan caddaymo ku filan in badhasaabku uu caayay diinta Islaamka, wuxuuna intaa ku daray in ay tallaabo qaadi doonaan hadii ay culimada magaaladu keenaan caddaymo ku filan.

Culimada waawayn ee magaalada Boorama ayaa si adag uga hadashay arrinta badhasaabka oo magaalada xiisad ka dhalisay, balse badhasaabka ayaa beeniyay eedaymaha loosoo jeedinayo.

Cabdiraxmaan Axmed Cali, badhasaabka goboka Awdal, ayaa la sheegay in uu meel fagaare ah ka caayay diinta Islaamka, kadib markii uu muran dhex amray dad ku sugnaa xaflad uu ka qayb galayay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga