Tirada dadka u dhintay caabuqa halista badan ee waddanka Shiinaha ayaa korodhay saacadihii lasoo dhaafay iyadoo ay gaadhay 560 qof, sida ay sheegtay dawladda Shiinuhu.

Caabuqa ayaa wali dad kale saamaynaya iyadoo kumanaan qof loo dhigay cisbitaalada kala duwan ee dhammaan gobolada Shiinaha oo uu xanuunku wada gaadhay maalmihii lasoo dhaafay.

Dawladda ayaa isku dayaysa in ay la tacaasho xaaladdan adag ee soo wajahday, waxayna saynisyahanada caafimaadku dedaal adag ugu jiraan sidii ay u horuamrin lahaayeen tallaalka xanuunkan si looga baaqsado in ay dad kale u dhintaan.

Tobanaan milyan oo dad ah ayaa go’doonsan, iyagoo ka cabsi qaba in ay qadaan xanuunka, oo u fidaya si aan la garanahayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga