Ugu yaraan Afar Qof ayaa Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Degmada Jalalaqsi oo katirsan Gobolka Hiiraan, halka tiro intaa ka badanna xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka guud ee Degmada sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Cagjoof ayaa warbaahinta dawladda Soomaaliya u sheegay in Saacadihii lasoo dhaafay uu Cudurku ka dillaacay gudaha Magaalada Jalalaqsi iyo degaanno hoos taga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dawo ku filan bukaanku aanay oollin cisbitaalka, isagoo ugu baaqay Wasaaradda Caafimaada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  in Dadkaasi loo fidiyo gurmad-caafimaad oo deg-deg ah.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Mr. Caga-joof ayaa sheegay in Dadka bukaanka ah ay xaaladdooda nololeed halis ku jirto isagoo xusay  in uu intaa ka badan karo haddii aan sida ugu dhakhsaha badan wax loogu qaban

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga