Wasiirka arimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in qodobada qaar ku jira war-murtiyeed lagasoo saaray wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ay ku dhaceen khalad farsamo.

Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa warbaahinta u sheegay saaka in la saxayo qodobka ah maamulka hawada oo uu sheegay in khalad farsamo oo ka dhacay cidii qortay war-murtiyeedka.

Madaxtooyada Somaliland ayaa baahisay war-murtiyeedka iyada oo aan xusin in uu jiro wax khalad ahi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga