War-murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirarkii wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan ka qabsoomay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay arimo badan oo la xidhiidha hawada, isu-socodka dadka ka madaxa banaan siyaasadda, amniga, iyo sii wadida wada hadalka.

“Marka laga hadlayo gar-gaarka bini-aadamnimo iyo deeqaha dhinaca horumarka, labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen mabdi’iyan in aan la siyaasadayn arrintan, faah-faahinta arrintan waxa loo dhaafay Guddi Hoosaad Farsamo oo ka soo shaqaysa. Labada dhinac waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada.” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

“Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.” Waxa lasii raaciyay warka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Labada qodob ee isu-socodka dadka ka madaxa banaan arimaha siyaasadda iyo tan hawada ayaa imika u muuqda kuwo dood abuuray dadka dhexdeeda, iyadoo laga war sugayo xukuumadda Somaliland oo la filayo in dhawaan ay ka hadasho.

Halkan ka akhriso war-murtiyeedka: 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga