Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay qaaday guud ahaan xayiraadihii ay hore usoo rogtay si looga hor tago khatarta fiditaanka ee xanuunka Covid-19.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa tibaaxay in la fasaxay duulimaadyada, waxbarashada, goobaha ay dadku iskugu yimaadaan, gaadiidka dadweynaha iyo dhammaan dhinacyadii ay saameeyeen xayiraaduhu.

Somaliland ayaa hore usoo rogtay xayiraado lagu ilaalinayay badqabka dadka, inkasta oo todobaadkan ay wasaaradda caafimaadku diwaan galisay kiisas cusub oo xanuunka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga