Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday Sacuudi Arabia in ay si deg deg ah u joojiso weerarrada hawada ee loo geysto dadka rayidka ah ee ku sugan Dalka Yemen.

Warbixin ay soo saartay Guddiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta ayaa sidoo kale lagu sheegay in baadhitaankii ay isbahaysiga Sacuudiga iyo imaaratka ay ku sameeyaan Duqayntii lala beegsaday baskii ay saarnaayeen caruur dhigaynaysay iskuulka bishii August aysan ahayn mid la aqbali karo.

Weerarkaas hawada ee lala beegsaday caruurta dalka yemen, oo ay ku dhinteen 51 qof, oo ay ku jiraan 40 carruur ah, ayaa dhalisay cambaareyn ballaadhan oo caalami ah waxaana lagu baaqay in lagu sameeyo baadhitaan madax-bannaan.

“Waxaan ka codsanay sacuudiga iyo imaaraatka inay joojiyaan isla markiiba weerarrada cirka,” ayuu yidhi Clarence Nelson, oo ah guddoomiye kuxigeenka Guddiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta.

“Ugu yaraan 20 boqolkiiba dhimashada dadka rayidka ah waa carruur, waxaana la dilay ilmo ka yar 18 jir,” ayuu sii raaciyeyey Nelson.

Ugu yaraan 1,248 carruur ah ayaa lagu dilay weerarada hawada ee ay dalka yemen ka gaysanayaan isbahaysiga sacuudiga iyo imaaraatka. iyada oo ku dhawaad ​​tiro isku mid ah ay ku dhaawacmeen tan iyo bishii Maarso 2015, sida lagu sheegay tiraboobka QM.

Qaramadda ,Midoobay ayaa sheegtay xaaladda Yemen in ay tahay dhibaatada bini’aadanimo ee ugu xun. aduunka Waxa kale oo ay sheegtay in ugu yaraan 10,000 oo qof ay dhinteen tan iyo bilawgii dagaalada – laakiin goob joogayaasha ayaa sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay tiradaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga