Kacdoonkii ka qarxay Suuriya 15 bishii Maaraj sannadkii 2011-kii, kaas oo qayb ka ahaa mawjado kacdoonno ah oo ka dillaacay dalalka carbeed isla sannadkaas, kuwaas oo loogu yeedhay gu’gii carabta, ayaa u horseeday dalkaasi, inuu kamid noqdo dalalka ugu nabadda daran adduunka, isla markaana dhimashadu ugu badan tahay qarnigan 21aad.

Dagaallo oo aan loo meel dayin oo u dhexeeya Ciidamada daacadda u ah keligii taliyaha Bashaar Al-Asadka ay Ruushka iyo Iiraan taageeraan, iyo maleeshiyooyin tiro dhaaf ah oo gacan saar la leh Maraykanka iyo Sucuudiga, ayaa Malaayiin Suuriyaan ah baday qaxoontiga, silica iyo darxumada.

Tani waa magaalada Ariixah, oo dhacda gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriyah, Daariq Abu Ziyaad iyo qoyskiisu waxay kusoo laabteen bartii u ahaan jirtay hoyga, sannado badan bay Ramadaan ku afureen iyagoo nabad qaba, balse Ramadaantani iyagoo ka faa’idaysanaya jaaniska xabad-joojinta ah ee dhex maray kooxaha dagaallamaya, waxay ku dul afurayaan dhismahoodii burburay.

Sawirro ay ka qaadday wakaaladda wararka ee AFP, ayaa si wayn loogu baahiyay baraha bulshadu iyadoo warbaahinta duniduna si wayn uga faallootay, kuwaas oo ahaa sidii dad dhex fadhiya qashin.

Abu Ziyaad hooyadii waxay sheegtay inay cuntada soo samaysteen oo ay ugu soo talagaleen inay ku afuraan gurigoodii, halkaasi oo ay ugu dambaysay markii diyaaradaha Ruushku ay magaalada si wayn u duqaynayeen dadkuna ka baxayeen magaalada iyagoo koox koox ah.

Muddo todobaad ka yar, ayaa waxaa Waqooyiga fog u qaxay Malaayiin qaxoonti, kuwaas oo ka cararay dagaallada Suuriya ka socda, kuwaas oo galaaftay nafaha kumannnan qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga