Muqdisho:(SAABTV)- Madaxii Hore  ee Haay’adda Sirdoonka Somaliya,soona noqday Safiir,ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay Siyaasadda Somaliya la dagi la’yahay.

Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Sanbalooshe oo Waraysi siiyay Tv-ga DALSAN oo fadhigiisu yahay Magaaladda Muqdisho,ayaa waxa uu taxay afar qodob oo uu bud-dhig uga dhigay waxyaabaha ay Somaliya u heli la’dahay Xasilooni Siyaasaddeed,qodobadaas oo ku daray Maqnaanshiisa Somaliland ay ka maqan tahay Somaliya inteeda kale.

Qodobadda ayaa waxa kala yihiin;

 

  •   Awooda muuqata ee ay Shabaabku ku leeyihiin Koonfurta iyo badhtamaha Somaliya.

  • Joogitaanka Somaliya ee Ciidamadda nabad-ilaalinta AMISOM.

  • Maqnaashiiyaha Somaliland ee Somaliya inteeda kale.

  • Doonista Xooggan ee Siyaasiyiinta Beelaha HAWIYE ku doonayaan inay Madaxweyne ka noqdaan Somaliya.

 

Siyaasi Sanbalooshe,waxa uu intaas ku daray in nidaamka haatan ay Somaliya wax-ku-qeybsato ee loo yaqaano 4.5,kaas uu isna ka mid yahay dhibaatooyinka ku hor gudban tayadda dawladnimadda Somaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga