Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay halka hal qofna la la’yahay kadib markii daad uu kusoo rogmaday koox dalxiisayaal ah oo ku sugnaa seere ku yaala dalka Kenya.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in mashaqadu ay ka dhacday gobolka Rift Valley.

Laba qof ayaa ka badbaaday kooxda dalxiisayaasha ahayd oo wakhti ku qadanayay seeraha dooxooyinka leh ee Hell’s Gate, kaas oo ah deegaan aad u cagaaran oo quruxbadan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga