Gudoomiyihii hore ee baarlamanka dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu ka baxay xisbiga Conservative-ka ee imika ka arimiya dalka Ingiriiska.

John Bercow ayaa si adag u cambaareeyay raysalwasaare Boris Johnson isagoo dhaliilay siyaasadaha raysalwasaaraha.

Siyaasigan oo 12 sanno ahaa gudoomiyaha baarlamanka ayaa shaaciyay in uu ku biiray xisbiga mucaaradka ee Labour Party loo yaqaano.

Waraysi uu shalay siiyay wargayska Observer ayuu Bercow ku sheegay in xisbiga uu ka tirsanaa ee Conservative Party uu ku dhimanayo gacanta raysalwasaare Boris Johnson.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga