Danjiraha Kenya ee Soomaaliya ayaa gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kadib markii xidhiidhka labada waddan uu soo noqday.

Lucas Tumbo ayay Soomaaliya caydhisay markii ay xidhiidhka u jartay dalka Kenya oo ay ku eedaysay in uu faro galin ku hayo arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa todobaadkii tegay mar kale Kenya ka dalbatay in ay dib u furto safaaradeeda Muqdisho isla markaana lasoo celiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada waddan.

Weli Kenya iyo Soomaaliya ayaanu wanaagsanayn xidhiidhkoodu balse dib u furida safaaradaha ayaa fududaynaysa sii anbaqaadida iskaashiga u dhaxeeyay labada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga