Abiy Axmed wuxuu marayaa tijaabadiisii koobaad iyadoo Itoobiya looga dareeray doorashooyinka guud ee dalkaas.

Doorashada Itoobiya oo ah mid guud ayay shacabka dalkani u codaynayaan xildhibaanada baarlamanka federaalka iyo kuwa deegaanada labadaba.

In ka badan 37 million oo qof ayaa la filayaa in ay dhiibtaan codkooda guud ahaan Itoobiya.  547 kursi oo baarlamanka ah ayaa hadda lagu loolamayaa inkasta oo mucaaradku ay dawladda ku eedeeyeen in ay curyaamisay si aanay tartan ula galin. 

Doorashadan, lagama codaynayo deegaano dhawr ah oo ay jiraan deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, gobolka Tigrayga iyo deegaano kale.

Tigrayga waxa saamayn xun ku yeeshay dagaalka weli ka socda gobolka oo galaaftay nolosha kumanaan qof.

Deegaanka Soomaalida ayaa iyadana ay gudida doroashooyinka Itooiya joojiyeen doorashooyinka halakas ka dhici lahaa, kadib cabashooyin tiro badan oo mucaaradka deegaanku ay soo saareen.

Waxa loo balansanyahay in muddo laba bilood ah kadib deegaanka soomaalida looga dareero doroashadan guud ee Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga