Sicir-bararka ka jira Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kordho 10% labada bilood ee soo socota, waxa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Arintan ayay sabab u tahay qamadida lagasoo saari jiray Yukrayn oo is taagtay, isla markaana qiimayaasha kor u qaaday gudaha Soomaaliya.

Xalka kaliya ee furan ayay khubarada dhaqaalahu sheegtay in ay tahay dalag badan oo la helo iyo roobabka gu’ga oo ka curta deegaanada Beeraha ee Soomaaliya.

Qamadida ayaa ka mid ah cuntooyinka sida wayn looga isticmaalo Soomaaliya iyadoo siyaabo kala duwan loo sameeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga