Gabadha u doonneyd suxufiga reer Sacuudi ee la waayey kadib markii uu galay qunsuliyadda dalkiisa ee magaalada Istanbul, ayaa sheegtay “inuu qabay cabsi ah inuu halis ku sugan yahay” hase yeeshee uusan ka wel-welin in dhismaha qunsuliyadda dhib lagu gaadhsiiyo.

Hatice Cengiz, oo Turkish ah, ayaa wargeyska Washington Post ku qortay in gacaliyaheeda Jamal Khashoggi uu markii hore qunsuliyadda tagey 28-kii September, kadibna uu ku laabtay toddobaadkii tagey, markaasi oo uu lahaa ballan ku saabsan inuu kasoo qaato waraaqo uu u baahnaa si uu ayada u guursado. Jamaal dib looma arag markaas kadib.

Cengiz ayaa kalsooni ka muujisay awoodda mas’uuliiinta Turkiga ay u leeyihiin inay ogaadaan waxa dhacay, waxayna ugu baaqday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu gacan ka gaysto in la ifiyo waayitaanka suxufiga.

Waxa ay sidoo kale ku boorisay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay soo bandhigaan muuqaallada kaamirooyinka amni ee ku dheggan hareeraha qunsuliyadda.

Saudi Arabia ayaa sheegtay in Khashoggi uu ka tagey qunsuliyadda, waxayna ku gacan saydhay eedeymaha saraakiisha Turkiga ee ah in lagu dhex dilay qunsuliyadda.

Khashoggi ayaa ahaa suxufi aad u dhaliili jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, wuxuuna wargeyska Washington Post ku qoray qormooyin badan oo ka dhan ah, isaga oo si dibad-joog ah oo uu isaga doortay ugu noolaa dalka Mareykanka muddo sanad ah

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga