hay’adaha iyo Shirkadaha ugu weyn dunida ayaa qaadacaya shir maal-gashi oo 23-ka illaa 25-ka October lagu qaban lahaa dalka Saudi Arabia, sababo la xidhiidha xaaladda Dilka suxufi Jamal Khashoggi.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde ayaa baajisay safarkeeda, sida uu sheegay afhayeenka IMF, oo aan bixin wax sharraxaad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin uu jimcaha go’aan ka gaadhi doono inuu ka qeyb-galayo shirka Hindisaha Maal-Gashiga Mustaqbalka ee Riyadh iyo in kale.

Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda Sanduuq Maal-galinta Guud ee Sacuudiga ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu muujiyo isbeddelada dhaqaale ee uu wado dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.

Shirkan ayaa jaahwareer uu asiibay kadib markii la waayey suxufiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi, oo ahaa nin dhaliila boqortooyada, kaasi oo aan la arag tan iyo labadii October markaasi oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Website-ka shirka oo markii hore ay ka muuqdeen liiska dadka ka hadli doona shirka, ayaa hadda laga saaray liiskaas, xilli ay sii kordhayaan dadka shirka qaadacaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga