Maraykenka Ayaa Ku Dhawaaqay In Uu Albaabbada Isugu Laabi Doono Qunsuliyadiisa Guud Ee Ku Taalla Magaalada Qudus, Taasoo Ka Shaqeyneysay Arrimaha Falastiiniyiinta, Hase Ahaatee Howlaheeda Loo Leexiyey Safaaraddooda Cusub Ee Magaalada Qudus, Sida Uu Ku Dhawaaqay Xog Hayaha Arrimaha Dibedda.

Mike Pompeo Ayaa Sheegay In Go’aankan Ay Horseedeen Sababo La Taaban Karo Isla Markaana uusan Waxba U Dhimeynin Siyaasadda Mareykanka Ee Magaalada Qudus, Daanta Galbeed Iyo Marinka Qasa.

Masuuliyiinta Maamulka Falastiin Ayaa Si Weyn U Cambaareeyay Tallaabadan,Sarkaal Sare Oo Lagu Magacaabo Saeb Erekat Ayaa Sheegay In Maamulka Madaxweyne Trump Uu Ka Shaqeynayo Sidii “Loo Weynayn Lahaa Israa’Iil” Halkii Laga Shaqeyn Lahaa In La Dhiso Labo Dal Oo Kala Ah Israa’iil Iyo Falastiin, Taasoo uu Sheegay Inuu Xalku Ku Jiro.

Israa’iil Ayaa Magaalada Qudus u Aragta In ay Tahay Caasimaddeeda Halka Falastiiniyiintuna Ay aaminsanyihiin In Qudus Ay Tahay Caasimaddooda Mustaqbalka Oo Hadda

Israa’Iil Ayaa Bariga Qudus Kula Wareegtay Dagaalkii Gobolka Bariga Dhexe Ee Dhacay Sannadkii 1967-Kii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga