Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Xogheyaha Arimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo Ayaa Kulan Ay Ku Yesheen Magaaladda Ankara Waxay Kaga Wadda Hadleen Dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Kulankan Ayaa Kusoo Beegmaya Xili Warbaahinta Dalka Turkiga Ay Baahisay In Qunsuliyadda Sacuudi Carabia Ee istanbul Lagu dilay Wariye Jamal Khashoggi.

Mike Pompeo Ayaa Talaadadii Kulan La Yeeshay Boqorka iyo Dhaxal Sugaha Sacuudi Carabia, Si Uu Ugala Xajoodo Arinta Wariye Jamal Khashoggi, Oo 2-dii Bishii Oktober Ay Cid Ugu War Danbaysay, Kadib Markii uu Gudaha u galay, Qunsuliyadda Sacuudi Carabia Ee Magaaladda Istanbuul Ee Dalka Turkiga.

Warbaahinta Caalamka Ayaa Mudooyinkii u Danbaysay, Si Wayn Qadaa Dhigaysay Dilka Wariye Jamal Khashoggi, iyadda Oo Telefishanka CNN Ee Laga Leeyahay Dalka Maraykenka Uu Baahiyey, In Sacuudi Carabia Uu Qiran Doono Dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isna Sacuudi Carabia ka difaacay, eedaymaha ay Dawladaha Qaar, usoo Jeedinayaan dalka Sacuudi Carabiya, taas oo ku salka ku haysa, Dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Jamal Khashoggi oo kamid ahaa Wariyeyaasha wax Ku Qorra Shacabadda Washinton Post, ayaa aad u dhaliili Jiray Boqortooyadda Sacuudi Carabia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga