Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Ayaa Magaalada Kigali Ee Caasimadda Rwanda Kaga Qeyb Galay Shirkii 18aad Ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika Oo Lagaga Arrinsanayay Ganacsiga Xorta Ah Ee Qaaradda Afrika Si Loo Abuuro Hal Suuq Oo Afrika Ay Leedahay.

Danjire Axmed Ciise Cawad Ayaa Khudbad Uu Ka Jeediyay Kulanka Wasiirada Arrima Dibada Ee Afrika Waxa Uu Ka Sheegay Qiimaha Weyn Ee Ay Ummadaha Afrika Ugu Fadhido Inay Ku Midoobaan Hal Aragti Oo Horumar Hiigsanaaya, Si Saboolnimadu U Soo Afjaranto, Isagoo Xusay In Soomaaliya Oo Ah Dal Dadkiisu Ku Firfircoonyihiin Ganacsiga Ay U Tahay Fursad Weyn Abuuridda Suuqa Afrika.

Shirkan Ayaa U jeedkiisu Yahay Isdhexgal Dhammeystiran, Waxaana Barbar Socon Doona Hindisooyinka Kale Ee La Xidhiidha Sidi Suuq Keli Ah Ee Gaadiidka Cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo Qoraalka Sharciga Isu Socodka Xorta Ah Ee Dadka “Protocol On Free Movement Of Persons” Iyo Baasaboorka Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Afrika Ayaa La Filayaa Intooda Badan Inay Gaadhaan Magaalada Kigali March 21,keeda 2018 Si Ay Daaha Uga Rogaan Mashruuca Taariikhiga Ah Ee Ganacsiga Xorta Ah Ee Qaaradda Afrika,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga