Shiinaha ayaa qorshaynaya in uu labinlaabo madaxyada nukliyeerka ee uu haysto imika, arintaas oo wadamo badani ay walaac ka muujiyeen xili laga dayrinayo hubka wax gumaada ee nukliyeerka oo lagasii kordhiyo inta imika wadamadu ay hasytaan.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka ee Pentagon-ka loo yaqaano ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay ogaatay in Shiinuhu uu qorsheeyay in tobanka sanno ee soo socota uu kordhiyo hubka nukliyeerka ee uu haysto, isagoo ku daraya in uu awood u yeesho weeraro dhulka, cirka iyo badda ah oo hubka nukliyeerka la adeegsanayo, sida warbixinta lagu xusay.

Warbixintan ayaa imanaysa xili Koongareeska Maraykanku uu ka doodayo ansixinta $700bn oo loogu talo galay in difaaca Maraykanka lagu dhiso, iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada waddan, waa Shiinaha iyo Maraykanka e’, ay kor usii kacayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga