Turkiga ayaa jibaaray sahaminta gaasta ee uu ka wado badda Meditarranean-ka oo ay kulaalayaan wadamo ay siyaasad ahaan is diidan yihiin.

Bariga badda Medi. oo ah gobol lagu muransanyahay ayay maraakiibta sahaminta gaasta ee Turkigu hawl gal ka bilaabeen, wuxuuna hawlgalku socon doonaa illaa 12 bishan cusub ee September. Waa tallaabo ka cadhaysiisay Giriiga oo isaguna sheegta qaybo ka mida badda uu sahaminta ka bilaabay Turkigu.

Wasiirka arimaha dibadda ee Giriiga ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ‘Turkigu uu wali iska indha-tirayo baaqyada, sagoo intaa ku daray in uu xasilooni ugubaaqayo’.

Turkiga iyo Giriiguba waxay dhoola-tusyo milatari ka sameeyeen bariga badda Medi. todobaadkii aynu soo dhaafnay, taasoo caddayn u ahayd heerka ay sare u kacday xiisadda u dhaxaysa labadan waddan ee jaarka ahi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga