Dawladda Ingiriiska ayaa rejo wanaagsan ka muujisay suurtagalnimada in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof-iyo-cod ah horaanta sanadka inagusoo foolka leh ee 2021-ka, arintaas oo qorshaheeda ay waddo dawladda dhexe balse camabarayn gudaha ah wajahaysa.

Ku xigeenka danjiraha Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Jonathan Allen, ayaa shalay sheegay in ay tallaabo wanaagsan oo bilow ah tahay sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo dhawaan lasoo saaray.

Ingiriisku wuxuu sidoo kale ku baaqay inn la xaliyo khilaafaadka kale e jira, si loo gaadho doorasho qof-iyo-cod ah oo Soomaaliya ka dhacda.

Waxa jira doodo badan oo ka jira gudaha Soomaaliya kuwaas oo shaki galinaya suurtagalnimada in doorsho hal-qof-iyo-hal-cod ahi ay qabsoonto marka la eego xaaladaha ku gedaaman ee amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga