Gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayay weli kasoo yeedhayaan warbixino dhiilo leh oo muujinaya baaxadda tacadiyada iyo dagaalka ka dhacay gobolka oo kumanaan qof lagu dilay.

Qaramada Midoobay ayaa ka dayrinaysa xaaladda bini aadamtinimo ee gobolka oo sii xumaanaysa iyadoo diwaan galisay dad badan oo macaluul in ay u dhintaan qarka u saaran.

Saraakiisha ugu sarraysa ee hay’adaha bini aadamtinimada Qaramada Midoobay waxay ku warameen in laga hor is taagay kaalmooyinka ay gaadhsiin lahaayeen dadka, iyo deeqaha caafimaad maadaama ay jiraan dad tiro badan oo colaaduhu ay dhaawaceen iyo kumanaan haween ah oo ciidamadu ay faro xumeeyeen, lana dhibban xaalado caafimaad.

Xukuumadda raysalwasaare Abiy Axmed ayay kooxaha gargaarku ku dhaleeceeyeen in ay is taagayso deegaanada ay ku suganyihiin dadka macaluusha qarka u saarani.

Warbixin ay siiyeen Golaha Ammaanka ayay Golaha kaga dalbadeen in ay wax ka qabtaan xaaladda taagan, hadii kale ay dad badani u dhiman karaan macaluul.

Maraykank ayaa qaaday tallaabo uu wax kaga qabanayo saraakiisha lugta ku lahayd dagaalka Tigrayga isagoo xanubaado socdaalka ah saaray saraakiisha dawladdaha Itoobiya iyo Ereteriya iyo saraakiisha ciidamada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga