Maraykanku wuxuu rabaa in uu ogaado meesha saxda ee uu ka yimi fayraska Covid-19, sida uu usoo bilaabmay iyo in ay jiraan ujeedooyin kale.

Waa tallaabo kusoo beegmaysa xili xanuunku uu galaaftay nolosha malaayiin qof dundia oo dhan iyadoo malaayiin kalana ay imika u jiifaan xanuunka dhammaan wadamada dundia.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa dalbaday in baadhitaan qoto dheer lagu sameeyo fayraskan dilaaga ah iyo halka uu kasoo bilaabmay. Dalkiisa ayuu ku yeeshay saamayn ba’an, isagoo fayrasku curyaamiyay dhaqaalaha Maraykanka, dadkii ugu badnaana ka dilay.

Sirdoonka Maraykanka ayuu Joe biden ku amray in muddo saddex bilood ah ama 90 maalmood ay ugu keenaan warbixin rasmi ah oo ku aadan meesha uu ka yimi xanuunkani, kadib markii ay soo baxeen warar kale oo shaki galinaya fayraskan iyo sida uu dunida ugu faafay.

In ka abdan 168 million oo qof ayuu ku dhacay xanuunku dunida oo dhan, iyadoo ay u dhinteen dad kale oo ka badan 3.5 million oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga