Ururka ay ku midaysanyihiin dhkhaatiirta waddanka Nigeria ayaa walaac ballaadhan ka muujiyay dhakhaatiir ay dawladda Nigeria sheegtay in ay ka keenayso dalka Shiinaha si ay uga qayb qaataan la tacaalida caabuqa Corona ee gudaha Nigeria. Uurka ayaa bayaan uu soo saaray ku canbaareeyay arintan.

Xukuumadda madaxweyne Buhaari ayaa sheegtay in ay illaa 18 dhakhtar ka keeno doonto dalka Shiinaha, arintaas oo dad badan oo Nigerian ahina ay sidoo kale diideen.

Dhakhaatiirta ayaa qaba in ay jiraan hawl-wadeeno caafimaad oo ku filan in ay la tacaalaan Coronaha Nigeria, oo aan loo baahnayn in dhakhaatiir dibadda laga keeno xili ay dhakhaatiir badani bilaa camal yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga