Dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in qofkii labaad uu u dhintay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus, wuxuuna noqonayaa dalka hogaaminaya dhimashada xanuunka ee bariga qaaradda Afrika.

Wasiirka caafimaadka ee Itoobiya ayaa muddo ay u dhaxaysay hal saac ku kala dhawaaqday labada qof oo u dhintay xanuun dhanka neefsashada ah oo Covid-19 uu ku keenay.

Itoobiya ayaa hadda diwaangalisay 43 kiis oo ah caabuqa Coronavirus, waxaana ay dawladdu wadaa dedaalo ay ku yaraynayso fiditaanka caabuqa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga