Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in dalkiisu uu wajahayo xaalad kale oo adag isagoo ku tilmaamay ‘todobaad adag,’ wuxuuna tibaaxay in dadka oo kala fogaada iyo guryaha oo la joogaa ay dhimi karaan xawaaraha uu caabuqu ku socdo ee dalkiisa.

Tirada dadka caabuqa qaaday ee Maraykanka ayaa kor u dhaafay 300,000 oo qof, waana tirada ugu badan dunida oo dhan. Dhimashada ayaa sidoo kale kor u dhaaftay 8000 oo qof maalintii Sabtida.

Khubrada caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa hore uga digay in tirada dhimashada ee dalkaasi ay kor u dhaafi karto 100,000 oo qof todobaadada soo socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga