Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay dhamaan madax dhaqameedka gobolka Awdal. Kulankaas ayaa lagaga hadlayay xaaladaha dhinaca nabad galyada ah ee kasoo cusboonaaday mudooyinkii ugu danbeeyay gobolka Awdal.

Kulankani oo warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici waxa uu sheegay in cidna aan marti looga noqonayn nabadgalyada cid kasta oo dhaawacaysa amnigana gacan bira lagu qaban doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

WARKAN GOORDHOW KA DAAWO SAABTV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga