Boqolaal ka tirsan saraakiisha dowladda Sucuudi Carabiya kuwaas oo ay ku jiraan xubno katrisan militariga iyo shaqaalaha amniga, ayaa lagu xidhay dalkaasi iyada oo lagu soo oogay dacwado la xidhiidha laaluush iyo in ay ka faa’iideysteen xafiisyada dadweynaha.

guddida la dagaallanka musuqmaasuqa ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya taas oo layaqaan (Nazaha), ayaa sidan shaacisay xilli dambe maalintii Axadda ahayd, guddida la dagaallanka musuqa ee Sucuudigu waxaa kale oo ay sheegeen, in baadheyaashu dacwad ku soo oogi doonaan kuwa gacanta lagu hayo.

Sannadkii 2017, ciidamada nabad sugidda Sucuudiga, ayaa waxay xidheen amiirro iyo xubno kamid ah madaxda siyaasada iyo ganacsiga boqortooyada, taas oo ay borotooyadu ugu yeedhay iskuday ay kula dagaalamayaan musuqmaasuqa kadhex jira masuuliyiinta sarsare ee Sucuudiga.

Xubnaha qoyska reer boqor ee berigaa la xabbisay, ayaa lagu xabbisay mid kamid ah Hotel-llada ugu raaxada badan adduunka kaasoo magaciisa layidhaa Ritz Carlaton kuna yaalla magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga.

Qabqabashada madaxda sare ee boqortooyada Sucuudiga, ayaa waxaa sida la sheegay ka dambeeya dhaxal sugaha lagu tiriyo inuu yahay qofka maamula Sacuudiga imika, ninka layidhaa Maxamed Binu Salmaan oo ah wiilka Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, kaasoo sida ay sheegeen dadka siyaasadda ka faalloodaa raba inuu iska hor leexiyo wax kasta oo uu u arko inay caqabad ku noqon karaan boqornimada uu rabo inuu aabbihii ka dhaxlo iyo hoggaamintiisa imika labadaba.

Maxamed Binu Salmaan, ayaa hore u xidhay adeerkii Axmed Binu Cabdicasiis iyo inaadeerkii Maxamed Binu Nayef, kaas oo hore usoo noqday dhaxal sugaha Sucuudiga kahor intii aan lagu bedelin Maxamed Binu Salmaan. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga