Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga ayaa sheegay inay heleen 12 kiis oo cusub oo ah cudurka Coronavirus, taas oo tirada guud ee dadka qaba cudurkaas gudaha dalka Turkina ka dhigaysa 18 qof.

Turkiga, ayaa todobaadkii hore shaaciyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona-ha ah, balse tiradan ayaa ah tii ugu badnayd ee maalin keliya lagaga dhawaaqo dalka Turkiga, taas oo la xidhiidha fayraska Coronavirus.

Wasiirka caafimaadka Turkigu waxa uu sheegay in 12 qof ee laga helay Coronuhu kala yihiin, todoba qof oo u safray Yurub, 3 Maraykanka u safray iyo laba qof oo iyagu xidhiidh la lahaa kiiskii hore ee laga helay Turkiga.

Turkiga, ayaa kamid noqday dalalka ugu dambeeya ee dhaqaalahoodu wanaagsan yahay kuwaas oo uu saamayay Fayraskan Coronavirus.

Dawladda Turkiga, ayaa durba qaadday tallaabooyin ay doonayso inay ku xakamayso faafitaanka Fayraskan, kuwaas oo kala ah xidhidda dugsiyada, jaamacadaha iyo goobaha waxbarashada, hakinta duulimaadyada dalal dhawr ah, iyadoo ciyaarahana la qabanayay iyada oo aaay cidina daawanayn.

Dawladda Turkiga ayaa waxay karantiishay kumannaan qof oo kasoo laabtay Cumro ay u tageen dalka Sucuudi Carabiya, iyadoo sidoo kale wasaaradda arrimaha guduhuna sheegtay in laga bilaabo maalinta Isniinta ah la xidhi doono baararka si loo yareeyo faafista Fayraska Covid-19

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga