Satoshi Uematsu waa 30 jir u dhashay dalka ku yaala bariga fog ee Asia ee Japan, waxaana ay maxkamad ku taala dalkaasi ku xukuntay dil toogasho ah.

Ninkan ayaa si ku-talo-gal ah u dilay 19 qof oo ku jiray goob lagu xanaanaynayay sanadkii 2016kii, isagoo sheegay in aanay dadka laxaadkoodu kala dhimanyahay aanay ahayn in ay dunida sii joogaan, sida uu ku xusay waraysi laga qaaday.

19-ka qof ayuu isku mar dilay waxaana ay arintani werwer ku abuurtay dadweynaha Japan, maadaama aan dalkan looga baran danibyada dilka dadka oo aad ugu yar.

Maxkamad ku taala Japan ayaa xukuntay in la deldelo oo sidaa lagu dilo Satoshi, oo xasuuqa uu sameeyay ay wali maskaxdooda ka guuxayso dad badan oo Japan u dhashay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga