Sanadka 2022 wuxuu Afrika u yahay mid doorasho, iyadoo wadamo badan oo Afrikaan ah ay u qorshaysantahay in laga qabto doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamanka.

Wadamada Somaliland, Soomaaliya, Libya, Kenya, Mali, Guine, Angola iyo Chad ayaa sanadkan 2022 waxa looga dareeri doonaa doorashooyin kala duwan.

Wadamada qaar ayaan la hubin doorashadooda iyo in ay ku qaban doonaan wakhtiga u dejisan, iyadoo hore wadamadan ay doorashooyinku dib uga dhaceen. Waa wadamada Libya, Somalia, Mali, Guinea, iyo Chad, oo ay afganbiyo iyo murano siyaasadeed dib u dhigeen doorashooyinka.

Afrika ayaa lagu dhaliilaa bisayl la’aan siyaasadeed iyo in hogaamiyayaashu ay damcaan in kuraasta ay iskaga fadhiyaan iyagoon haysan kalsoonida shacabka marka ay dhamaystaan muddo xileedka la doortay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga