Waxaa laga jooga muddo saddex sanadood ah, markii uu magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu waynaa guud ahaan Soomaaliya iyo qaaradda Afrikaba.

14-kii October, sannadkii 2017-kii iskoyska Soobbe oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa isku bedelay aag-musiibo halkaasi oo shacabkii xasiloonida ku joogay badankoodu ay noqdeen maydad iyo dhaawacyo tiro dhaaf ah.

Ku dhawaad 600 oo qof ayaa ku geeryooday qaraxa isgoyska Soobe, iyadoo sawirradii iyo muuqaalladii goobtaasi laga soo qaadayna, baaba iyo burburka ku yimi dhismeyaashu ay ka dhigeen sidii kharaabado beri hore laga haajiray.

Dadka ku naf waayay qaraxii Soobe ee 14-kii Ocotober 2017, ayaa iskugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada, arday, ganacsato, tujaar, danyar, macallimiin, qurbe-joog iyo dhakhaatiir ayaa kamid ahaa dadka ku geeryooday, ku dhaawacmay amaba ku naafoobay qaraxaasi

Cisbitaallada magaalada Muqdisho ayaa buux dhaafay iyadoo dalalka caalamka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo direen gurmadyo iskugu jira dhaawacyo dibadda loo qaado, dhakhaatiir iyo dawooyin.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor-diiq qaran ah isagoo uga mahadceliyay shacabka kaalinta muuqata ee ay ka qaateen ka jawaabidda qaraxaasi.

Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo wax laga waydiiyay sannad-guuradii koowaad ee qaraxa Soobbe ayaa sheegay in dalku u baahan yahay goobo la tacaala musiibooyinka dabiiciga ah.

Saddex sanno kadib qaraxii 14-kii October kama bixin qalbiyada dadka Soomaalida, raysal-wasaaraha hadda ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qayb-galay kulan duco loogu samaynayay dadkii ku naf waayay qaraxaasi iyadoo dadwaynuhuna ay baraha bulshada ku wadaagayaan sawirro xusuus leh iyo ducooyin ay u ducaynayaan dadkii naftooda ku waayay

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga