Shiinaha ayaa weerar afka ah ku qaaday raysal-wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau kadib markii uu ku dhaleeceeyay Beijing diiwaanka xuquuqda aadanaha, xadhigga ay u gaysatay muwaadiniin reer Kanada ah iyo adeegsiga dubluumaasiyadda khasabka ah.

Maalintii Arbacadii, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo magaciisa layidhaa Zhao Lijian, ayaa waxaa uu sheegay in dawladda Kanada muujisay munaafaqnimo iyo diciifnimo, xilli uu ka jawaabay hadallada kasoo yeedhay raysal-wasaare Trudeau.

Raysal-wasaaraha Kanada Trudeau ayaa digniin u diray Shiinaha maalintii Salaasada xilli uu xusayay 50 guurada kasoo wareegtay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Kanada: “Waxaan si buuxda u sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno xulafadayada si aan u hubinno in habka Shiinaha ee ku-qasbashada diblomaasiyadda, iyo xarigga aan loo meel-dayin ee lagu hayo laba muwaaddin oo reer Kanada ah, kuwaas oo ay weheliyaan muwaadiniinta dalal kale oo adduunka ah, aanay u arkin inay tahay xeelad guuleysatay,” ayuu yidhi raysal-wasaaraha Kanada.

Labada muwaadin ee u dhashay Kanada oo la kala yidhaa Michael Kovrig iyo Michael Spavor, ayaa ku xidhnaa Shiinaha tan iyo bishii December ee sannadkii 2018-kii, iyaguu lagu soo eedeeyay basaasnimo, xadhigga muwaadiniintan reer Kanada ayaa yimi kadib maalmo uun kadib markii Kanada lagu xidhay kuwo u dhashay Shiinaha.

Raysal-wasaaraha Kanada ayaa sidoo kale Shiinaha ku dhaleecay diiwaannada xuquuqda aadanaha gaar ahaan sida uu ula dhaqmo muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi Shiinaha kunool kuwaas oo la yidhaa Uighurs kuna nool gobolka Xinjiang, iyo inuu sidoo kale tabashada la wadaagayo dadka ku nool jasiiradda Hong Kong.

Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinuhu waxaa uu mahadiyay wax uu ku tilmaamay horumar muuqda oo laga gaadhay xidhiidhka Shiinaha iyo Kanada,balse waxaa uu Ottawa ka dalbaday inay sii dayso muwaadiniinta shiinaha u dhashay ee lagu xidhay codsiga uu Maraykanku Kanada usoo diray.

Meng Wanzhou, madaxa lacagta ee shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Huawei, ayaa lagu xidhay dalka Kanada iyadoo lagu eedeeyay inay kiyaamaysay cunaqabataynaha uu Maraykanku kusoo rogay dalka Iiraan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga