Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in dalka Khaliijka uu doonayo inuu u arko xal cadaalad ah oo waara Falastiiniyiinta, taas oo ahayd halka ay ka bilaabayaan Hindisaha Nabadda Carbeed ee 2002, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Boqortooyada Isniinta.

Labada nin waxay ku wada hadleen taleefan ka dib heshiis uu Mareykanku garwadeen ka ahaa bishii hore kaas oo ay Isutagga Imaaraatka Carabtu ku oggolaadeen inay noqdaan waddankii saddexaad ee Carbeed marka laga reebo Masar iyo Urdun oo caadi ka dhiga xiriirka ay la leeyihiin Israel.

Boqorka Salmaan ayaa u sheegay Trump inuu qadarinayo dadaalada Mareykanka ee ah inuu taageero nabada isla markaana Sacuudi Carabiya ay dooneyso inay xal cadaalad ah oo waara u hesho qadiyada Falastiin oo ku saleysan Hindisaha Nabada ee Carabta.

Hindisahan, dowladaha carabta waxay Israel u soo bandhigeen xiriir caadi ah si ay heshiis qaran ula gaaraan Falastiiniyiinta iyo in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo dhulkii lagu qabtay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967.

Sacuudi Carabiya, oo ah halka uu ku dhashay Islaamka isla markaana ay ku taal meelaheeda ugu quduuska ah, ma aqoonsana Israel.

Taariikh Carbeed-Israa’iil caadiyeyn jirtay

Si kastaba ha noqotee, bishaan boqortooyadu waxay sheegtay inay ogolaanayso duulimaadyada isaga kala goosha Imaaraadka iyo Israa’iil.

oo ay ku jiraan diyaaradaha Israel, si ay u adeegsato hawadeeda.

Intii wicitaanku socday, Trump wuxuu u sheegay Boqor Salmaan inuu soo dhaweynayo go’aankaas, iyo in labaduba ay sidoo kale ka wada hadleen amniga gobolka, afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa yiri.

Arrinta Falastiin

Wiilka uu sodoga u yahay Trump Jared Kushner, oo sidoo kale ah lataliyaha Aqalka Cad, ayaa sheegay inuu rajeynayo in dal kale oo Carab ah uu caadi ka dhigo xiriirka bilooyin gudahood.

Ma jiro dowlad kale oo Carab ah oo sheegtey illaa iyo hadda inay ka fiirsaneyso raacitaanka Imaaraadka. Masar iyo Urdun xiriir caadi ayey ka noqdeen tobaneeyo sano ka hor.

Wiilka uu dhalay Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan, iyo Kushner ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo in Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan wadahadalada isla markaana ay gaaraan nabad waarta kadib markii Kushner uu booqday Imaaraadka bishii hore.

Heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil waxaa ka horyimid mucaaradad baaxad leh oo ka dhex jirta Falastiiniyiinta oo cambaareeyay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen “dhabarka mindi”.

Axaddii, hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa Lubnaan ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta Xamaas ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan riixitaanka Mareykanka ee ku aaddan caadiyeynta diblomaasiyadeed, ayuu yiri dhaqdhaqaaqa.

Madaxa Xamaas Ismail Haniya iyo Hassan Nasrallah, oo madax ka ah dhaqdhaqaaqa Shiicada Xisbullah ee Iiraan taageerto, ayaa ku nuuxnuuxsaday “xasilloonida” “dhidibka iska caabbinta” ka dhanka ah Israa’iil.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga