Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in dalkiisa ku yaalla Khaliijku uu doonayo inuu u arko xal-cadaalad ah isla markaana waara kaas oo laga gaadho arrinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Boqorku waxaa uu sheegay inay taasi ahayd Hindisaha Nabadda Carbeed ee sannadkii 2002, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Boqortooyada Isniinta maanta ah.

Labadan masuul, ayaa waxay ku wada hadleen khadka taleefanka dib heshiis uu Mareykanku gadhwadeen ka ahaa bishii hore kaas oo dalka Isutagga Imaaraatka Carabtu ku oggolaadeen inay noqdaan waddankii saddexaad ee Carbeed marka laga reebo Masar iyo Urdun oo caadi ka dhiga xiriirka ay la leeyihiin Israel.

Intii wicitaanku socday, Trump wuxuu u sheegay Boqor Salmaan inuu soo dhaweynayo go’aankaas, iyo in labaduba ay sidoo kale ka wada hadleen amniga gobolka, afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa yidhi.

Wiilka uu sodoga u yahay Trump Jared Kushner, oo sidoo kale ah lataliyaha Aqalka Cad, ayaa sheegay inuu rajeynayo in dal kale oo Carab ah uu caadi ka dhigo xiriirka bilooyin gudahood.

Ma jirto dawlad kale oo Carab ah oo sheegtey illaa iyo hadda inay ka fiirsaneyso raacitaanka Imaaraadka.

Wiilka uu dhalay Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan, iyo Kushner ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo in Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan wadahadalada isla markaana ay gaadhaan nabad waarta kadib markii Kushner uu booqday Imaaraadka bishii hore.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga