Russian President Vladimir Putin shakes hands with Turkish President Tayyip Erdogan during a meeting in Sochi, Russia, September 4, 2023. Sputnik/Sergei Guneev/Pool via REUTERS

Dalalka Ruushka, Turkiga iyo Qatar ayaa doonaya inay ka wada shaqeeyaan sidii qamadiga iyo sareenka laga soo saaro Ruushka loogu dhoofin lahaa wadamada ku yaala qaaradda Afrika, taas oo la sheegay inay qayb ka noqonayso dedaalada wax lagaga qabanayo cunto-yaraanta ka jirta Afrika.

Xukuumadda Ruushka ayaa sheegtay in dawladda Turkigu ay maamuli doonto sidii qamadi qiimihiisu jaban yahay ama bilaasha ah loogu dhoofin lahaa dalalka Afrika, iyadoo qorshahaasna ay dawladda Qatar dhaqaale ahaan taageeri doonto.

Dalka Ruushka ayaa bishii July ee sannadkan 2023 waxa uu diiday inuu cusboonaysiiyo heshiiskii halka sanno socday ee qamadiga Ukraine looga dhoofin jiray dekedaha ku yaala badda madaw, si wax looga qabato dhibaatooyinkii cunto yaraanta ahayd ee xiligaas soo food-saartay caalamka.

Sida ay faafisay wakaalada wararka dalka Ruushka ee Interfax, Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in reer galbeedku ay fulin waayeen shuruudo ay dawlad ahaan ku xidheen cusboonaysiinta heshiiskaas, iyadoo Ruushku doonayey in qamadiga dalkiisa laga soo saaro la ogolaado in dunida loo dhoofiyo, balse waxa ay dawladda Ruushku go’aansaday inay Afrika u dhoofiso qamadiga iyo sareenka dalkeeda ka soo baxa.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa saxaafadda u sheegay in Ruushka iyo Turkigu ku heshiiyeen sidii loo fududayn lahaa raashinka loo dhoofinayo dalalka Afrika, iyadoo Turkigu maamulayo nidaamka qamadiga ka soo baxa Ruushka loogu dirayo Qaaradda Afrika, waxayna labada dawladood isla qaateen in qiimo jaban ama si bilaash ah qamadiga loogu diro Afrika, iyadoo dawladda Qatar-na bixinayso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya raashinka loo dhoofinayo dalalka Afrika.

Waxa kaloo uu Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Ruushku sheegay inay dalka Turkiga ka wadahadli doonaan sida ugu fiican, uguna haboon ee wax-soo-saarkooda loo gaadhsiin lahaa qaaradda Afrika, maadaama ay dawladda Ruushku doonayso inay gacan ka gaysato sidii wax looga qaban lahaa cunto-yaraanta ka jirta Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga