Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu soo dhamaystay safar uu ku joogay dalka Qatar.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha ayaa lagaga hadlay qaabkii loo soo dhaweeyey weftigiisa, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan;

“Ra’iisal-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar.

Mudane Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxaa kulamo kala duwan uu la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, masuuliyiin kala duwan iyo ganacsatada dalka Qatar oo ay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda dowladda Qatar sidii ay u ballaadhin lahayd taageerada xagga amniga, mashaariicda horumarinta iyo maalgashi ay ganacsatada Qatar ku sameystaan dalkeena, qodobaasi oo dhammaantood labada dowladood isku afgarteen.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale,” ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga