Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku jooga Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta shir la qaatay hoggaanka taliska Ciidamada Soomaaliya, kaas oo lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Sidaana waxa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo u qornaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga cidhib-tirayo Al Shabaab.

Hogaannada taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Al-shabaab dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay

dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Kualnka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga