Dawladda Ruushka ayaa iska fogaysay in ay ka danbayso dacaayado been abuur ah oo lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho.

Saraakiisha Maraykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in ay kumanaan akoon oo baraha bulshada ah u isticamaaleen in ay ku faafiyaan warar been abuur ah oo ku saabsan xanuunka Coronvirus oo ku fidaya Ameerika.

Wasaaradda arimkaha dibadda ee Ruushka ayaa arintan beenisay iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaamtay.

Guud ahaan xanuunka ayay qaadeen dad ka badan 75kun oo qof gudaha waddanka uu kasoo unkamay ee Shiinaha. Waxaana u dhintay dad gaadhaya 2,348 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga