A resident wearing a protective respiratory mask looks on in a street of Codogno, southeast of Milan, on February 22, 2020. - An Italian man became the first European to die after being infected with the coronavirus on February 21, just hours after 10 towns in the country were locked down following a flurry of new cases. (Photo by Miguel MEDINA / AFP)

Dawladda Talayaaniga ayaa qaadday tallaabooyin ay ku damacsan tahay inay ku xakamayso faafista cudurka Corona, oo ka dillaacay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, kaasoo soo gaadhay dalka Talyaaniga.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga, ayaa waxa ay ka walaacsan yihiin in kiisaska cudurkan ee lagu arkay gobollada Lombardy iyo Veneto ay dhaafeen qaabkii lagu go’doomin lahaa, taas oo adkaynaysa bay yidhaahdeen xaaladda.

Dawladda Talyaaniga ayaa joojisay dhammaan isku imaatinnadii waawaynaa ee ka dhici lahaa magaalooyinka cudurka laga soo sheegay, iyadoo dadwaynaha lagu wargeliyay inay guryahooda joogaan si loo xakameeyo cudurka.

Raysal-wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte, ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka uu asiibay cudurkan Corona gudaha Talaayinga ay gaadhayso 79 qof iyadoo mar hore u geeryoodeen laba qof oo muwaadiniin talyaani ahaa.

Raysal-wasaare Conte, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in aan habayaraatee la ogolayn cid ka baxda ama soo gasha meelaha cudurka lagu sheegay, iyadoo ciddii jabisana sharciga lala tiigsan doono.

Ku dhawaad 2,500 oo qof ayaa u dhintay cudurkan dalka Shiinaha, halka tirada uu asiibayna ay cagacagaynayaan 76,000 oo qof xilli uu ururka caafimaadk adduunku ka werwersan yahay inuu Fayraskani gaadho dalalka adeeggooda caafimaad liito.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga